Gaas: "waa fikir khaldan in hawada dalka laga maamulo Hargeysa"

Image

December 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo horjeestey qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay kulankii labo maalmood kahor ay dalka Jabuuti ku yeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waraysi uu siyey VOA-da wuxuu ku sheegay in Puntland saluugsan tahay qodobada qaar gaar ahaan qodobka la xiriira maamulka hawada oo sida uu tilmaamay wax ka bedel lagu sameeyey.

Gaas ayaa xusay in heshiiska maamulka hawada ee horay loo saxiixay saddex geesood ahaa islamarkaana Puntland, Dowlada Federaalka iyo Somaliland si wadajir ah u saxiixeen balse hadda lagu soo koobay labo dhinac oo qura.

Hadii maamulka hawada dib loogu soo celinayo Muqdisho wuxuu sheegay inay soo dhoweynayaan balse aanay ogoleyn in hawada Soomaaliya oo dhan laga maamulo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

"hawada Soomaaliya ha lagu wareejiyo Somaliland waxay aniga iila muuqataa fikir qaldan oo aan shaqeynaynin...hawada Soomaaliya hal meel baa laga maamuli jirey waana Muqdisho" ayuu yiri.

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa imaanaya maalin kadib markii uu sheegay inuu soo dhoweynayo kulankii dhex maray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM