Gaas "Waan fulinaynaa go'aamada ka soo baxay shirka" [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

29 Augusto,2015(GO)-Madaxweynaha Puntland oo soo xirey shirka wadatshiga Puntland ee Galkacyo ka socanayay ayaa ka hadlay shirkan iyo qaabku u socdey waxana uu sheegey in lama huraan ay tahay in bulshada reer Puntland ka tashadaan ayahooda.

Gaas waxa uu sheegey in shirkan looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Amniga,nidaamka dimuqraadiyaynta, tabashooyinka jira iyo Cadaaladda oo tilmaamey in Puntland aan laga hirgalin karin hadii aan laga helin bulshada dhinaceeda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusey inuu ku raacey Ergada shirka go'aamada ay soo saareen waxaana uu tilmaamey inay ka xukuumad ahaan fulinayaan hadii dhanka shacabka ay ka soo fusho.

Mar uu ka hadlay nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland ayuu sheegey inay awoodan u gudbidda nidaamka asxaabta badan, balse waxa uu shacabka ugu baaqey inaysan nidaamka u badalin mid qabali ah.

Ugu dambey gaas ayaa sheegey inay Puntland leedahay cadow badan taaso uu tilmaamey inay looga gudbi karo midnimo iyo isku duubni.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM