Gabadhii Sadexaad oo u dhimatey qaliinka gudniinka fircooniga ah

Image

GALKACAYO - Gabar kale oo da'deedu tahay 10 sano ayaa u dhimatey dhaawac kasoo gaarey qaliinka la yiraahdo gudniinka fircooniga ah ( FGM) sidaas waxaa sheegey Isbitaalka guud ee magaalada Galkacayo.

Mumtaz Qorane ayaa noqotey gabadhii Sadexaad ee u dhimata qaliinka gudniinka fircooniga ah kadib markii Waalidkii dhaley ku sameeyeen falkaan.

Dr. Maxamad Xuseen Aden oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Af-Somaliga ayaa sheegey in qaliinkaan lagu sameeyey  gabadha uu ka dhacey Sadex cisho ka hor baadiyaha degmada Galdogob kadibna uu haleeley Teetane.

Waxaa uu sheegey in koox kalkaaliyaal caafimaad ah loo direy iney Mumtaz u soo qaadaan Isbitaalka guud ee Galkacayo balse loo sheegey iney dhimatey maalintii Isniinta subaxnimadeeda.

Dr.Aden ayaa taleefan ku heley xaalada gabadha xilli uu kala hadlayey VOA labo gabdhood oo hore Aasiya Farax Cabdi Warsame iyo Khadiija Farax Cabdi Warsame kuwaasoo u dhintey isla gudniinka Firconiga ah kadib markii ay dhiig baxeen.

Dhakhaatiirta iyo dadka diidan falkaan ayaa sheegey in labada gabdhood ee walalaha ah ku dhinteen tuulada Bursaalax balse qaliinka gudbniinkaan lagu sameyeey degaanka Galadi ee wadanka itoobiya.

Degaanada ku dhow xuduudka Itoobiya la wadaagto dalka Soomaaliya dadka ku nool waxaa kaliya ay isticmaalaan Isbitaalka guud ee magaalada Galakacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM