Gabar kaalinta koowaad ka gashay Imtixaanka dugsiga sare ee Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland ayaa ku dhawaaqday imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare.

Tobanka kaalmood ee ugu sareeya ardayda galay ayaa badankoodu gabdho ah iyada oo kaalinta koowaad ay gashay Asmo Maxamed Maxamuud oo kamid ahayd ardayda dugsiga sare ee Imaamu Nawaawi ee magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Imtixaanka oo sanadkaan ay natiijadiisu daahday sababo aan la aqoon iyada oo ay kusoo aaday shaacinta natiijada xilli ay sii dhamaanayo xiliga arday qaadashada ee jaamacadaha.

Arday 2900 kor u dhaafaysa oo Gabdho ah iyo wiilall 4400 ka badan ayaa imtixaanka u fariistay iyada oo ay badankoodu ku gudbeen halka ay dhaceen arday gaaraysa 140 kamid ah.

Su'aasha la xiriirta heerka aqoonta iyo xirfadda ardayda ayaa wali taagan iyada oo maamulkaan jirsaday 25 sano in ka badan inta badan dhalinyaradiisu ay shaqo la'aan yihiin dowladuna aanay u hayn wax jihayn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM