Galgala: saldhigyadii ciidanku la wareegeen oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 3, 2014  (GO)- Waxaa warbaahinta loo soo bandhigay saldhigyadii Al-shabab ee deegaanka Galgala oo ciidamada Puntland labo maalmood kahor hawgal ballaaran kula wareegeen.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Jen. Siciid Dheere iyo gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Gallan ayaa si wadajir ah deegaanka Galgala shir-saxaafadeed ugu qabatay. 

Jen. Siciid oo hadalka ku horreeyey ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgalkii ciidamadu buuraleyda Galgala kaga saareen Al-shabab, wuxuuna sheegay in hawlgalkaasi ahaa mid in muddo ah Dowladda Puntland qorsheynaysay si guul ahna kusoo dhamaaday.

Taliyaha ciidanka Daraawiishtu wuxuu intaas ku daray in dagaalka ay ku dileen 15 ka tirsanaa Al-shabaab tiro intaas ka badanna ku dhaawaceen. Dhanka ciidanka wuxuu xaqiijiyey in hal askari ka dhintay lix askari oo kalena dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa isna dhankiisa sheegay in bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan dadka reer Puntland guul weyn u tahay la wareegista ciidamada ee deegaanka Galgala.

Gallan oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celin doono boqollaal qoys oo beeraley u badnaa, kuwaasoo horay degmada Galgala uga barakcay.

Qabsashada ciidamada ammaanka Puntland ee buuraleyda Galgala ayaa dhabar jab weyn ku ah Al-shabab oo bishii hore Maraykanku dileen ninkii hoggaamiyaha u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM