​Galgala: Qarax lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Puntland

Image

BOSASO- Labo qarax oo kala duwan ayaa lala eegtay ciidamada difaaca Puntland, kuwaasi oo marayay nawaaxiga Buuralayda Galgala ee gobolka Bari, waxaana arrintaasi ka dhashay khaaraaso kala duwan sida wararku sheegayaan.

Qaraxyadan ayaa ahaa miinooyin la dhigay wadada dhinaceeda, waxayna haleeleen baabur kamid ah kuwa ciidamadu saarnaayeen.

Afar Askari ayaa dhaawacmay, waxyeelana waxay soo gaartay gaarigii ay la socdeen.

Dhaawaca ayaa kala duwan, waxaana liita xaaladda mid kamid ah askarta, iyagoo haatan lagu dabiibayo magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Xukuumadda Puntland ayaa arrintaasi ka hadashay, waxaana wasiirka warfaafinta Puntland uu sheegay in qaraxaasi uusan u dhicin sidii loogu tala galay isagoo beeniyay dhaawaca afarta ah oo uu tilmaamay inay yihiin labo qof.

Maxamud Xasan Soocdde, ayaa xusay inay ka jawaab bixiyeen, waloow uusan sheegin sida ay uga jawaabeen iyo maxsuulka kasoo baxay.

Waa qaraxii saddexaad oo lala eegto ciidamada difaaca Puntland, waxaana mas'uuliyadooda sheegtay xarakada Al Shabaab.

Muddooyinkii dambe, waxaa muuqday in dowladda Puntland ka gaabisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab, waan tan keentay in bil gudaheeda saddex qarax lagu waxyeelleeyo ciidamada difaaca kaga jira Galgala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM