​Galgala: Qarax lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Puntland

Image

BOSASO- Labo qarax oo kala duwan ayaa lala eegtay ciidamada difaaca Puntland, kuwaasi oo marayay nawaaxiga Buuralayda Galgala ee gobolka Bari, waxaana arrintaasi ka dhashay khaaraaso kala duwan sida wararku sheegayaan.

Qaraxyadan ayaa ahaa miinooyin la dhigay wadada dhinaceeda, waxayna haleeleen baabur kamid ah kuwa ciidamadu saarnaayeen.

Afar Askari ayaa dhaawacmay, waxyeelana waxay soo gaartay gaarigii ay la socdeen.

Dhaawaca ayaa kala duwan, waxaana liita xaaladda mid kamid ah askarta, iyagoo haatan lagu dabiibayo magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Xukuumadda Puntland ayaa arrintaasi ka hadashay, waxaana wasiirka warfaafinta Puntland uu sheegay in qaraxaasi uusan u dhicin sidii loogu tala galay isagoo beeniyay dhaawaca afarta ah oo uu tilmaamay inay yihiin labo qof.

Maxamud Xasan Soocdde, ayaa xusay inay ka jawaab bixiyeen, waloow uusan sheegin sida ay uga jawaabeen iyo maxsuulka kasoo baxay.

Waa qaraxii saddexaad oo lala eegto ciidamada difaaca Puntland, waxaana mas'uuliyadooda sheegtay xarakada Al Shabaab.

Muddooyinkii dambe, waxaa muuqday in dowladda Puntland ka gaabisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab, waan tan keentay in bil gudaheeda saddex qarax lagu waxyeelleeyo ciidamada difaaca kaga jira Galgala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM