GALGALA: Qarax lala eegtay Kolonyo katirsan ciidanka Puntland

Image

GALGALA, Puntland- Wararka ka imaanaya buuralayda Galgala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in qarax lala eegtay kolonyo katirsan ciidanka difaaca Puntland oo marayay mid kamid ah waddooyinka gala magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa asiibtay mid kamid ah gawaarida ciidanka, waxaana lagusoo waramayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Weerarkaas waxaa ku dhintay 8 kamid ah ciidamada Puntland ee kolonyadaas la socday, waxaana isla goobta ku geeriyooday 6 askari, halka labada kale ay ku dhinteen Bosaso.

Dhaawacyada qaraxaas ayaa loo soo qaaday magaalada Bosaso kuwaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Ciidanka la qarxiyay ayaa la rumaysanyahay inay ka tageen magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo talisyada ciidanka Puntland, kaasoo ku aadan qaraxa ka dhacay Galgala.

Balse kooxda Al Shabaab ayaa ku baahisay barahooda internet-ka ee taageera inay dileen 6 katirsan ciidanka Puntland iyagoo sheegtay mas'uuliyadda qaraxaas.

Buuraha Galgala, wuxuu muddo ku sugnaa mintidiin taabacsan ururka Al Shabaab, kuwaasoo ay horfadhiyaan ciidamada Puntland, waxayna dhowr jeer oo hore qarax ku waxyeelleen ciidamada Puntland oo inta badan adeegsada jidadka gala buurahaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM