Galkacayo: Askari qabtey mid kamid ah Al shabaab lagu toogtey Bossaso oo la diley

Image

GALKACAYO, Puntland- Magalaada Galkacayo ayaa habeenkii xalay iyo maanta waxaa ka dhacey dilal kala duwan oo loo gaystey sarkaal iyo Askari ka tirsan ciidamada amniga Puntland.

Habeenkii xalay ayaa magalaada Galkacayo waxaa lagu diley nin Askari ah kadib markii koox bistoolad ku hubeysan weerareen. 

Askarigaan ayaa wararku sheegayaan in uu horey u dhaawacey kadib la qabtey mid kamid ah kooxaha Al shabaab oo maalintii shaley lagu toogtey magalaada Bossaso.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga oo la hadlay GO ayaa sheegey in maalintii 

Dhinaca kale magalaada Galkacayo ayaa saaka waxaa lagu diley taliyihii Kastamka Koonfureed magalaada Galkacayo Cabdirizaq Siciid Cismaan Fiqi.

AHN Fiqi ayaa wararku sheegayaan in sababta loo diley la aqoon iyadoo wararku  sheegayaan in Askari kale diley.

Taliska ciidamada Booliiska gobolka Mudug ayaa ka gaabsadey inuu ka hadlo dilkaan.

Dil kale ayaa jira isaguna magalaada Galkacayo ka dhacey kasoo koox dabley ah la beegsatey nin ganacsade ah iyadoo ay jiraan dhaawacyo soo gaareen dad shacab ah.

Lama oga sababta ninka ganacsadaha loo diley balse warar ayaa sheegey in la xiriirey arimo ka dhaxeeya qabaa'ila halkaas wada daga.

Dilalkaan ayaa imaanaya xilli maalintii shaley magalaada Bosaso lagu toogtey 7 eedeysane oo ka tirsanaa ururka Al shabaab kuwasoo falal dambiyeedyo kala duwan ka gaystey magaalooyinka Galkacayo iyo Bossaso.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM