Galkacayo: guddoomiye ku-xigeenka Mudug oo qarax lala eegtay

Image

April 7, 2015 (GO)- Labo qarax ayaa barqonimadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.  

Qaraxa koowaad oo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaa lala beegsadey gaari uu la socdey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, qaraxa labaad oo isna dhacay waxyar kadib qaraxa koowaad waxaa lala eegtay dad rayid ah oo goobta isugu soo ururey.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug ayaa weerarkaas ka badbaadey sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan boolisku, waxaase ku dhaawacmey siddeed qof oo dhammaantood rayid ah qaar kamid ahna ay xaaladoodu halis tahay.

Mas'uuliyadda labadan qarax weli cidna ma sheegan, waxayna kusoo aadayaan maalin kadib markii labo weerar ka dhaceen magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.


Ammaanka Galkacayo oo soo xumaanaya:

December 21, 2014 waxaa isku day dil ka badbaadey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug kadib markii qarax lala begsadey gaarigiisa.

November 18, 2014- Weriye ka tirsanaa Radio Daljir  iyo Horn Cable TV ayaa lagu diley degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.  

November 31, 2014 bam-gacmeed ayaa lagu soo weeraray xarunta Radio Galkacayo.

January 2, 2015 waxaa qarax lala beegsaday gaari ay la socdeen macallimiin Kenyan ah oo wax ka dhiga dugsiga Yameska. Hal qof ayaa weerarkaas ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmeen.

January 17, 2015 bam-gacmeed ayaa mar kale lagu tuurey xarunta Radio Galkacayo.

February 3, 2015 waxaa isku day dil ka badbaadey xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaada yare) kadib markii gaarigiisa lagu qarxiyey miino jidka dhinaciisa lagu aasey.

Isla maalintaas February 3, 2015  waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley Maxamuud Diiriye Bidaar oo ahaa guddoomiyihii xaafadda Garsoor.

March 1, 2015 Taliyihii ciidamada cashuuraha berriga ee gobolka Mudug Duraan Cumar (Qaylo) ayaa lagu diley qarax loogu xirey gaarigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM