Galkacayo: guddoomiye ku-xigeenkii Mudug oo qarax lala eegtay

Image

December 21, 2014 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay qarax saaka magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo ka dhashay miino horay gaariga loogu sii xiray kana dhacay meel u dhow xarunta taliska booliska gobolka Mudug waxaa ku dhaawacmay Xirsi iyo mid kamid ah ilaaladiisa.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya xaalada caafimaad ee gudoomiyaha, haseyeeshe weriye Gaalkacayo ku sugan ayaa GO u sheegay in xaaladda mas'uulkaasi wanaagsan tahay. Qaarka dambe ee jirka gaar ahaan lugaha ayuu sheegay inuu dhaawac culus ka qabo xilliganna lagu dabiibayo isbitaalka guud ee degmada.

Waa markii labaad ee Farxaan Cali Xirsi isku day dil ka badbaado iyadoo sidan oo kale November 8, 2011 gaari uu watey ugu qaraxdey miino nooca meelaha fog laga hago ah oo jidka dhinaciisa loogu sii aasay.

Isla sanadkii 2011 waxaa isna isku day dil oo caynkaas oo kale ahaa ka badbaadey gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM