Galkacayo: Madaxweyne Gaas oo xarigga ka jaray saldhig boolis

Image
Image
Image
Image
Image

August 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Gaalkacyo  xarigga kaga jaray saldhigga booliska gobalka Mudug oo dib u habeyn lagu sameeyey.

Xafladda xarig-jarka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur , Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen,  Cabdirisaaq Afguduud , Saraakiil katirsan ciidanka Booliska Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu xarigga ka jaray xaruntaas cusub , wuxuu kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay.

Saraakiisha booliska ayuu Madaxweynuhu kula dardaarmay in ay ilaaliyaan xaruntaas cusub nidaamkeeda shaqo iyo weliba nadaafaddeeda.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaamiyo ayaa muddo asbuuc ah ku sugan magaalada Gaalkacayo, halkaaso la filayo in ay todobaad kale sii joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM