GALKACYO: Camey iyo Carabay oo goob joog ka ahaa Xaflad baabuur lagu wareejinayay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta Lix gaari ku wareejiyay Maamuladda Galmudug iyo Puntland, kuwaaso kasoo dagay Dakadda Bosaso todobaadkii hore.

Munaasabad lagu wareejinayay baabuurtaas oo ka dhacday magaalada Galkacyo waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Puntland.

General Saacid oo hadal kooban ka jeediyay wareejintan baabuurtaas ayaa tilmaamay in u waqti badan u galiyay sidii gawaaridan ay soomaaliya u heli-lahady, kuwaaso muddo labo sanno ah ku xanibnaa Dalka Jabuuti,waxaana uu mahadceliyay Punltand oo baabuurta markii ay so dageen dayactir weyn ku samaysay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland General Cabdulqaadir Shire Faarax Erag ayaa isna sheegay in baabuurta afar ka mid ah loo qorsheeyay inay ku shaqeeyan ciidamada isku dhafka ah ee howlgalada ka bilaabidoona magaalada Gaalkacyo

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka booliska Maamulka Galmudug Xabeeb ayaa xusay in baabuurtan ay ciidamadu dhaqaalaysandoonan, islamarkaana u isticmaali doonana howlaha dadweynaha.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo dhigiisa Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayaa ka mahadceliyay dadaalka uu wado taliyaha ciidamada Booliiska Somalia, iyagoo kula dar-daarmay ciidamada isku dhafka ah ay ka shaqeeyaan sidii loo xasilin lahaa magaalada Galkacyo loogana hortagi lahaa dilalka Qorshaysan ee ka dhanka ah mas'uuliyiinta dowladda iyo har-doorka bulshada.

Mas'uuliyiintan ayaa booqday wareejinta gawaarida kadib xarun ay ku shaqayn doonaan ciidamada isku dhafka ah ee loogu talo galay inay ka shaqeeyaan amniga magaalada Galkacyo.

Generaal Saacid ugu dambayn labo neef oo geel ah siiyay Ciidamada isku dhafka Gaalkacyo,isagoona u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu keeni doono agabyada ay u baahanyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM