GALKACYO: Carruur u geeriyootay Jadeeco

Image

GALKACYO, Puntland- Kaamka ku yaalla duleedka magaalada Galkacyo ayaa lagusoo waramayaa inay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan carruur ah, kuwaasoo soo ritay cudurka Jadeecada.

Kaamka Taalacad oo ku yaala Duleedka Waqooyi ee Magaalada Galkacyo ayay carruurtaas ku dhinteen sida uu sheegay Gudoomiyaha Kaamkaasi Muuse Cabdi Xalane.

Xalane ayaaa tilmaamay in kaamkaasi ay ka jirto baahiyo farabadan haba ugu darnaadaan dhinacyad Caafimaadka iyo Biyaha.

Asbucaan kaliya waxaa kaamka  Taalacad ugu dhintay Xanuunka Jadeecada Caruur ka badan shan.

Waalidiinta ku nool Kaamkaas ayaan awoodin inay mareeyaan nolosha carruurtooda, waxayna dalbadeen in loo fidiyo gacan caafimaad.

Xilliyadan oo kale waxaa kaamamka Barakacayaasha ka dillaaca xannuuno kala duwan.

Kiiskan kama uusan hadlin waxyaha caafimaadka gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa muddooyinka waday dadaallo ku aadan sidii loo ilaalin lahaa fayo dhowrka dadka ay abaartu saamaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM