Galkacyo: Faah faahin dilka Cumar Dheere

Image

GALKACYO- Duqa degmada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay dilka loo gaystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii ganacsatada gobolka Mudug islamarkanaa ahaa maareeyaha shirkadda Somtel Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere), wuxuuna sheegay in falkaasi fuliyay ruux dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa Bastoolad.

Cabdicasiis Jaamac Nugal oo caawa la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in qofkii dilka gaystay u baxsaday dhinac Koonfurta magalada islamarkaana aan wali la aqoonsan haybtiisa iyo cidda uu ka tirsanyahay.

Nugal, wuxuu intaasi ku daray inay socdaan baaritaan islamarkaana lagu raad joogo ruuxa dilka gaystay.

"Allaha u naxariisto Cumar Maxamed Cabdille, galabta salaaddi maqrib kadib ayaa waxaa dishay gacan ka xaq daran xilli uu masaajidka kasoo baxay, waxaan runtii aad uga xumay falkaas oo aan runtii uga tacsiyaynayo qoyskiisa iyo ehelkii uu ka baxay... Dilka waxaa naloo ku sheegay inuu gaystay nin dhalinyaro ah watay bastoolad, afaafka hore masjidka ayuu  ka dhacay, waxaana nala ku yiri dhinaca Koonfurta magalada ayuu u baxsaday," Ayuu yiri duqa degmada Galkacyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in amniga magalada uu yahay mid aad u wanaagsan, balse aan la kantarooli karin dilalka caynkan ah, maadama magaaladu tahay meel labo maamul ka jirto.

"Waxa uu kamid ah dadkii ugu soo horbaxay markii salaadda la tukaday sidaan qiyaasayo dad badanna meesha ma joogin, waxaa naloo sheegay inuu u soo dhawaaday ka hor intuusan dilin kadib xabad ku furay, dabadeena cararay.... Cumar Dheerana goobta ayuu ku naf-baxay,"Ayuu hadalkiisa ku daray Cabdicasiis Jamac Nugal.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif, ayaa sheegay in dilku u dhacay sida duqa degmada sharraxay, balse wuxuu raaciyay inay baaritaan samayn doonaan warbaahintana dib loogu soo sheegi doono, isagoo tilmaamay in falku kusoo beegmay xilli habeen ah.

Magalada Galkacyo iyo qaybo badan oo Puntland kamid ah ayaa aad looga hadal hayaa caawa dilkan loo gaystay Allaha u naxariistee Cumar Dheere oo caan ka ahaa gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM