Gallan: Waa ku qasab Farmaajo iyo Fahad soo celinta askarta

Image

GAROWE, Puntland - Dowlada Puntland ayaa waxay shaaca ka dhigtay in ay laba fursadood ayay u bandhigtey dhalinyarada kamid ah askarta loo diray Eritrea ee soo goostay ayna soo bandhigtey.

Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka amniga Puntland oo saxaafada kula hadlay xafiiskiisa, ayaa fursadaha ku sheegay; in ay ku biiraan ciidanka maamulka ama ku noqoshada degaanadooda.

"Ayaga ayaa qaadan doona go'aanka ay rabaan. Hadda waxaanu dejinay mid kamid ah huteelada Garowe halkaasoo ay ugu noolaan doonan si degan," ayuu carabka ku adkeeyay.

Gallan ayaa adkeeyay baaq ay jeediyeen qaar kamid ah dhalinyaradda oo ah in ay laga shaqeeyo sidii loosoo badbaadin lahaa saaxiibood wali ku go'doonsan gudaha waddanka Eritrea.

"Waxaan adkeynaynaa baaqa ay jeediyeen qaar kamid ah askarta kuna wajahnaa madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo taliyihiisa NISA, Fahad Yaasiin Daahir, oo ah in dib loosoo celiyo dhalinyaradaas ku sugan xeryaha dalkaas shisheeye oo dhaqaale ahaan aanan ku filneyn," ayuu Gallan ku daray.

Sida ay sheegeen da'yartan, waxay soo dhex-mareen Itoobiya. Qaarkood waxay hadda ku sugan yihiin Ethiopia gaar ahaan magaalooyin ay kamid yihiin Addis Ababa iyo Jigjiga.

"Waa waajib ah in qof kasta uu ka hadlo arrintaan laguna qasbo in ay soo celiyaan dhalinyaradaas maxaa yeelay waa maxaabiis ku xiran dal iyo degaan aysan ku dhalan," ayuu Gallan ku daray.

Wararka ayaa intaas ku daray in wadarta guud ee askarta loo qaadey Eritrea ay u dhaxeyso 5,000 illaa 7,000 isla markaana qaar badan oo kamid ah ku dhinteen dagaaladii ka dhacay gobolka Tigray.

"Annaga Puntland ahaan waxaan diyaar u nahay in aan soo dhaweynayno qeyb kasta oo kamid ah dhalinyaradaas oo soo gaarta degaanada Puntland, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo dowladda Puntland kusoo hagaajisay dhalinyaradaas iyo warbaahinta oo sii gaarsiineysa dadkooda," ayuu kusoo xiray.

Dhawaqa Puntland ayaa imaanaya xilli dowlada federaalka ay maanta beenisay in askarta ay u dirtay Eritrea ka dagaalameen Tigray maalin kadib markii xaqiijin ay ka timid Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM