Galmudug oo PL ku eedeysey inay colaad ka hurineyso deegaanadeeda

Image

August 18, 2015 (GO)- Maamulka Galmudug ee dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay ayaa ku eedeeyey Puntland inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siisey Ahlu Sunna, islamarkaana ku hawlan tahay sidii ay colaad uga hurin lahayd deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carrabey oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC ayaa warkan sheegay, waxaana hadalladiisii kamid ahaa:

"Puntland waxay weli wadaa, dhul-durusgsi iyo khash-khashahaad iyo daandaansi, sida Ururka Ahlu Sunna iyadoo taageero dhaqaale iyo mid ciidan siisey, sida iyadoo colaad ka hurineysa deegaanka Saaxo..." ayuu yiri.

Carrabeey ayaa sidoo kale ku eedeeyey Puntland inay dhul-ballaarsi ku jirto oo ay ceelal ka qodeyso deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"ceelasha deegaanada ay ka qodayaan ayaa ah deegaanada Galmudug, waxayna qodeen iyagoo aan fasax haysan, cadayn ayaanuna u haynaa dhammaan eedaymahaas" ayuu yiri.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ku eedeeyey Puntland in aysan wadahadal diyaar u ahayn.

"Puntland deegaan baa naga dhexeeya balse iyadaan diyaar u ahayn inaan kala hadalno khilaafaadka jira, taas ayaa keentay inaan idaacadaha u marino"

Eedeynta Galmudug ayaa kusoo aadeysa xilli uu jiro khilaaf dhanka xuduudaha ah oo u dhexeeya maamulka Cadaado iyo Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM