Galmudug oo soo celisay gaari laga dhacay wasiir katirsan Puntland

Image

GALKACYO, Puntland- Laamaha ammaanka maamulka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay baabuur laga dhacay mid kamid ah wasiir ku-xigeennada Puntland, sida ay xaqiijiyeen taliska Booliiska Galmudug.

Baabuurkan oo uu lahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda haweenka Puntland, Farxiyo Yuusuf Xirsi, ayaa la qabtay xilli darawalkeedii uu la baxsaday isagoo doonayay inuu ka gato deegaanada Galmudug.

Taliyaha qeybta Booliiska gobalka Mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar, ayaa warbaahinta usoo bandhigay baabuurkan isagoo ku wareejiyay wasiirka wuxuuna qiray in darawalkii soo dhacay lagu dhigay gacanta.

“Gaarigaan uu si sharci daro ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay in uu gato isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noqatay wasiirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa,” Sidaas waxaa yiri Taliye Gadaar.

Dhanka kale wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaa Haweenka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa ka mahadcelisay Ciidamada Booliska Galmudug sida ay ugu guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan baabuurkeeda.

Marwo Farxiyo ayaa qirtay in tallaabadan cadaynayso wada-shaqaynta kala dhaxaysa labada maamul.

Dhawaan ayay ahayd markii Darawalkii Wasiirka u waday baabuurka uu dhacay isagoo la’aaday gobolka Mudug qaybta ay maamusho Galmudug, wuxuuna qorshaynayay inuu iibsado kahor inta aan gacanta lagu dhigin.

Lama oga sababta baaburka uu dhacay Darawalka Wasiirka Farxiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM