Ganacsade ka shaqeysta suuqa sarifka lacagta oo Garowe lagu xirey

Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu xirey maalintii shaley 3 Feb,2017 ganacsade ka shaqeysta suuqa sarifka lacagta magaalada Garowe kadib markii wareysi uu ku bixiyey in sicir bararka ka jira Puntland mas'uul ka tahay xukuumada Puntland.

Cabdulqaadir Warsame Muse oo wareysi siiyey idaacadaha ayaa sheegey in dhibaatada sicir bararka timid kadib markii xukuumadu daabacdey lacag Shillin Somali taasoo sababtey in dollar ku yaraado suuqyada Puntland.

Sariflahaan ayaa sidoo kale sheegey in lacagta Shillin Somaliga ah ee lagu daabaco gudaha Puntland sababtey in lagu sarifto lacagta dollarka ee taaala suuqyada Puntland.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in amarka lagu xirey ganacsadahaan uu bixiyey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad oo dhowaan dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland.

Magaalooyinka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa ka socdey mudaharaadyo looga soo horjeedo dhibaatada Sicir bararka ka Jira suuqyada kasoo abuurey in maciishadu qaaliyowdo.

Shacabka Puntland ayaa sadexdii sano ee lasoo dhaafey waxaa dhibaatooyin ka haystaan amni xumo, sicir barar iyo abaaro saameyn ku yeeshey dadka reer guuraaga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM