Ganacsade lagu dhaawacay magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku dhaawacay mid kamid ah ganacsatada aad loo yaqaano, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob jooge u ahaa falkaas.

Ninka la weeraray oo lagu magacaabo Burhaan Ilka-dhagax, ayaa lagula tacaalayaa cusbitalka guud ee Bosaso.

Kooxdii weerarka gaysatay ayaa goobta isaga baxsatay iyadoo ilaa hadda haybtood aan la aqoonsan.

Tacshiiradda mallayshiyadaas ku fureen ganacsade Ilka-dhagax ayaa keentay in dhowr xabadood ku dhacaan islamarkaana loola cararo goobaha caafimaadka.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas oo qayb ka noqonaya kuwo is-daba joogay oo muddooyinkii dambe ka dhacayay xarunta gobolka Bari.

Waxaa ugu dambeeyay mid 25 January, 2017 lagu qaaday Nabadoon Muuse Xaaji oo maanta u geeriyooda xabado lala dhacay xilli uu ku sugnaa Bosaso.

Laamaha ammaanka gobolka Bari iyo kuwa degmada Bosaso ayaa ku fashilmay inay wax ka qabtaan amni xumada taagnayd tan iyo dhammaadkii sannadkii hore.

Madaxweyne Gaas ayaan keenin wax isbadal ah kadib markii magaaladaas u tagay arrimo la xiriira wax ka qabashada amniga sii xumaanaya ee gobolka Bari.

Tan iyo dhammaadkii 2016 waxaa Bosaso lagu dilay dhowr qof oo ay ku jireen Taliye ku-xigeenkii saddexaad ee ciidamada Booliiska Puntland, Agaasimihii madaxtooyada Bosaso, Xeer ilaaliyihii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida iyo Nabadood Muuse Xaaji oo gobolkaas caan ka ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM