Ganacsade lagu dhaawacay magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku dhaawacay mid kamid ah ganacsatada aad loo yaqaano, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob jooge u ahaa falkaas.

Ninka la weeraray oo lagu magacaabo Burhaan Ilka-dhagax, ayaa lagula tacaalayaa cusbitalka guud ee Bosaso.

Kooxdii weerarka gaysatay ayaa goobta isaga baxsatay iyadoo ilaa hadda haybtood aan la aqoonsan.

Tacshiiradda mallayshiyadaas ku fureen ganacsade Ilka-dhagax ayaa keentay in dhowr xabadood ku dhacaan islamarkaana loola cararo goobaha caafimaadka.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas oo qayb ka noqonaya kuwo is-daba joogay oo muddooyinkii dambe ka dhacayay xarunta gobolka Bari.

Waxaa ugu dambeeyay mid 25 January, 2017 lagu qaaday Nabadoon Muuse Xaaji oo maanta u geeriyooda xabado lala dhacay xilli uu ku sugnaa Bosaso.

Laamaha ammaanka gobolka Bari iyo kuwa degmada Bosaso ayaa ku fashilmay inay wax ka qabtaan amni xumada taagnayd tan iyo dhammaadkii sannadkii hore.

Madaxweyne Gaas ayaan keenin wax isbadal ah kadib markii magaaladaas u tagay arrimo la xiriira wax ka qabashada amniga sii xumaanaya ee gobolka Bari.

Tan iyo dhammaadkii 2016 waxaa Bosaso lagu dilay dhowr qof oo ay ku jireen Taliye ku-xigeenkii saddexaad ee ciidamada Booliiska Puntland, Agaasimihii madaxtooyada Bosaso, Xeer ilaaliyihii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida iyo Nabadood Muuse Xaaji oo gobolkaas caan ka ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM