​Ganacsade lagu dilay magaalada Bosaso

Image

BOSASO- War hadda naga soo gaaray magalada Bosaso xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhaweyd la dilay ganacsade lagu magacaabo Xirsi Addunyo, waxaana dilka gaystay rag aan haybtood lagaran oo goobta ka baxsaday. 

Dilka oo ka dhacay hotelka Karama Bosaso, ayaa yimi xilli shalay magalada ka dhaceen rabashado sababay dhimasho iyo dhaawac taasoo markii dambe dhalisay in ciidamada ammaanka weeraraan guriga gudoomiyihii hore Bari Cabdisamada Maxamed Gallan, kaasoo dowladdu ku dhaliishay inuu ku lug lahaa qalalaasah ka dhacay xarunta gobolka Bari. 

Balse, xaaladda ayaa maanta daganayd waxaana socday waan waan lagusoo afjarayo khilaafka keenay cabashada dadweynaha, waxaana kulamo usocdeen waxgaradka qabiilka uu kasoo jeedo gudoomiyihii hore gobolka Bari iyo Madaxweyne Gaas. 

Ganacsadaha la dilay ayaa waxuu qaraabo dhaw la ahaa madaxweynaha Puntland, wuxuuna kusoo beegmay dilkiisu xilli waxgaradka Gallan iyo madaxweynuhu shir uga socday xarunta madaxtooyada Bosaso. 

Lama oga in dilkaasi la xiriiro rabshadii magalada shalay ka dhacday iyo in kale, balse waxaa socda sidaan ku helayno warar hordhac ah baaritaano lagu xaqiijinayo qaabka dilkaasi u dhacay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM