Ganacsatada Jubbaland oo beenisay eedeynta dhuxusha

Image

October 23, 2014 (GO)-Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabbi Kaahin ayaa markii u horeysay ka hadlay eedeynta kooxda dabagalka QM u qaabilsan Somalia & Ertria.

Edeymahaas ayaa waxaa kamid ahaa in deeganada Jubbooyinka ay wali ka socoto dhoofinta dhuxusha iyo ka ganacsigeeda oo ay QM kol hore mamnuucday.

Sidoo kale Ganacsatada Jubbooyinka ayaa lagu eedeeyay inay lacago u urruuriyeen maamulka Jubbaland kaddibna uu hub iyo gaadiid dagaal maamulka kusoo gatay lacagtaa.

Shaafi ayaa gebi ahaan beeniyay warbixinta ay kooxdu soo saartay isagoo ku tilmaamay  in macluumaadka ay sheegto uu yahay mid ka fog xaqiiqda.

Waxaa uu been abuur ku tilmaamay inay lacago maamulka u uruuriyeen ama ay ku deeqeen.

Raabbi ayaa xusay inay ka guddi ahaan qeyb lixaad leh ka qaateen wacyi gelkinta joojinta dhuxusha si loo ilaaliyo nabaad guurka deeganka iyo xaalufinta dhirta.

Dekedda Kismaayo oo ay waayadii hore ka dhoofi jirtay dhuxusha ayaa hadda booskeeda waxaa buuxshay oo ka dhoofa dekadda qudrad sida Liinta Qumbaha, iyo Sisinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM