​Ganacsade Garowe ka hirgaliyay xarun casri ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa xalay xarigga ka jaray xarun loo qaabeeyay qaab casri ah oo magaalada Garowe ka hirgaliyeen ganacsato reer Puntland ah.

Xaruntan oo lagu magacaabo Target Center, ayaa waxaa ka koobantahay dhowr qaybood isugu jira; Goob lagu iibiyo waxyaabaha Electiroga ah sida Mobilada, Computerada, goob maqaayada ah oo laga helayo adeegyo kala duwan iyo qaybta hooyada iyo dhallaanka oo la keenay agab carrunta lagu cayaarsiiyo.

Mulkiilaha xaruntaas Farxaan Cali Ciiro, ayaa madasha daahfurka ka sheegay in qorshahaasi socday muddo kabadan sannad, isagoo tilmaamay in ujeedkoodu yahay sidii bulshada caasumadda loo gaarsiin lahaa adeeg dhammaystiran.

Ganacsatada ayuu ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay waddanka u maalgashan lahaayeen islamarkaana u keeni lahaayeen edeegyada dadka u baahanyihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka dowaladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa dhankiisa xusay in dowladdu soo dhawaynayso ganacsiyada cusub ee soo kordhaya, wuxuuna intaas ku daray inay kor u qaadayaan dhaqaalaha waddanka.

Daahfur Target Center, waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano, agaasimayaal, maamulka gobolka iyo kan degmada Garowe iyadoo sidoo kale joogeen bulshada caasumadda qaybahooda kala duwan.

Furitaanka xaruntan ayaa imaanaysa xilli muddooyinka dambe magaalada Garowe ku tilaabsanaysay hormar dhinaca ganacsiga ah, waxaana laga hirgaliyay xarumo badan oo ay furteen dad isugu jira qurba joog iyo dal joog.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM