Ganacsiga Puntland oo hoos u dhacay [Dhagayso]

Image

08 November, 2015(GO)-Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Badda Puntland Cabdulaahi Jaamac Saalax, ayaa sheegay inuu hoos u dhacay ganacsiga Puntland, ka dib duufaanta Chapal oo ku  dhufatay xeebaha Puntland.

Wasiirka, ayaa xusay inaysan muddooyinkii dambe jirin wax doonyo ah oo yimi dekedda Bosaso  cabsi laga qabay duufanta ka dhacaysay xeebaha Puntland iyo Yemen, taasina saamaysay dhammaan ganacsiga Puntland.

Waxa uu sheegay inay ka digeen duufaanta MEGH, oo la saadaaliyay inay ka dhacayso geeska Africa, iyo waddmada dhaca badweynta Hindia.

Arrimo kale oo ku saabsan xaaladda gacansiga iyo mashaariicda Puntland ka socda, ayaa wasiirku ka hadlay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM