Garaad Maxamad Cilmi oo ka hadley howlaha ka socda Galkacayo

Image

Sept 5,2015 (GO)- Garaad Maxamad Cilmi Shirwac oo ka tirsan Isimida gobolka Mudug ayaa soo dhoweeyey howlaha dowlada ka wado magaalada Galkacayo gaar ahaan baneynta dhismayaasha dowlada iyo guddiyada madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas dhowaan magacaabey.

Garaadka oo ka hadlayey qado sharaf Amiir Maxamud Ciise u sameeyey waftigii madaxweynaha Puntland maalintii Jimacaha 4 Sept,2015 ayaa sheegey iney garab taagan yihiin howlaha dowlada ka wado magaalada Galkacayo isaga oo dhinaca kale fariin u direy maamulka Galmudug oo dagan qayb ka tirsan magaalada Galkacayo.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo muddo sadex asbuuc ku sugan magaalada Galkacayo ayaa dhagax dhigey xarumo dowladeed halka uu booqasho ku marey degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Mudug maalmihii lasoo dhaafey.

Dadweynaha Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadley safarka madaxweyne Gaas uu ku joogo magaalada Galkacayo iyadoo dadka qaarkiis soo dhoweeyeen kuna tilmaameen talaabo horey loo qaadey halka kuwa kale aaminsan yahiin in dadaalka noocaan ah oo kale degaanada kale ee Puntland u baahan yihiin.

Siyaasi reer Puntland ah oo la hadley warsidaha GO  ayaa shegeey in Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas siyaasiyan aaminsan yahay in gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacayo xukuumadihii isaga ka horeeyey dayaceen kuwasoo ka gaabshey howlihii loo bahnaa in loo qabto halka magaalooyin kale ee Puntland horumar la gaarsiiyey.

Gobolka Mudug gaar ahaan magaaladiisa Galkacayo oo xuduudka la wadaagta gobolada dhexe ee Somalia ayaa wax ka qabad rasmi ah oo loo qabto waxaa ragaadiyey khilaaf u dhexeeya beelaha wada daga halka dhinaca kale mucaaradad xoogan kala hor-yimadeen xukuumadihii ka horeeyey mudane Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM