Garaad Maxamad Cilmi oo ka hadley shirka Cadaado [ Dhageyso]

Image

GALKACAYO 24 April, 2015 (GO)- Garaad Maxamad Cilmi Shirwac oo kamid ah Issmida ugu magacdheer Puntland ayaa sheegay nidaamka Federaalka inay bilaabeen maamuladii soo maray Puntland laga soo bilaabo sanadkii 1998.

Maxamad Cilmi Shirwac waxa uu sheegay Federaalka arintii shacabka Puntland ugu dadaadalayeen inay ahayd baqdin laga baqayo kala taga dadka Somaliyed.

Garaadka ayaa sheegay Puntland inay u taagan tahay mar kasta midnimada ummada Somaliyed oo iyagu ay bilaabeen nidaamka Federaalka isla markaana sii wadi doonaan inta habkaasi uu meel marayo.

Cabdilaahi Cilmi Shirwac ayaa ka hadlay dastuurka KMG Soomaaliya sida uu oga hadlayo ama qeexayo inta noqon karta maamul goboleed, isagoo tilmaamay inuu akhriyay dastuurka inuu qorayo inay maamul samaysan karaan Labo gobol iyo wax ka badan.

Garaadka ayaa sheegay Puntland inay leedahay gobolo badan ayna la yaaban yihiin shirka maamulka gobolada dhexe loogu samaynayo ee Caadaado ka socda,

" Arintaan Mudug iyo Galguduud la leeyahay yaa la khatalayaa, ma dad ajanabi ah baa been loo sheegayaa, ma dadka shirka fadhiya baa been loo sheegayaa ,ma anagaa la rabaa si in naloo khatalo " ayuu yiri Garaadka isaga oo ka hadlaya shirka Cadaado uga socda ergooyinka dhisaya maamul goboleedka gobolada dhexe.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay Garaad Maxamad Cilmi in maamulka hadda la dhisayo la qeexaa oo la yiraahdo Koofurta Mudug iyo Galguduud.oo la iska daayaa af-ku haynta gobolka Mudug.

Magaalada Caadaado ayaa waxaa ka socda diyaargarow la damacsan yahay in maamul loogu sameeyo gobolada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM