Garoonka diyaardaha magaalo madaxda Puntland oo la dhagax dhigayo

Image

26 Dec, 2015 (GO)- Waxaa magaalo madaxda dowlada Puntland maanta lagu qabanayaa munaasab lagu dhagax dhigayo garoonka diyaaradaha ee cusub ee Garowe.

Munaasabadaan oo ay kasoo qayb galayaan madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, saraakiisha hay'adaha kala duwan ee dowlada, ganacsato, odey dhaqamadeeyada iyo madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxman Farole ayaa waxaa filayaa in dhagaxdhiga kadib ka akhryaan halkaas khudabado ku aadan munaasabadsaan.

Garoonka diyaardaha ee Garowe oo maalgalinta lagu dhisayo ay bixisay dowlada Kuwait 'Kuwait Fund ayaa waxaa dhisaya shirkad laga leeyahay dalka Turkiga taasoo dhowaan qalabkeeda kala soo dagtey dekada magaalada Bosaso.

Mashaaariicda garoomada diyaaradaha Bosaso iyo Garowe oo ay bilowdey raadintiisa iyo saxiixyada lagu dhsiey dowladii hore ee madaxweyne Farole ayaa markii uu xilka la wareegey Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas Jan 8,2014 dhamystirkooda halkaa kasii ambaqaadey.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa intii ay xilka la wareegtey dhameystirtey garoonka diyaardaha magaalada Bosaso kasoo dhowaan la furayo halka gegida diyaardaha Garowe dhagaxdhigiisa dhacayo maanta.

Garoonka diyaardaha Bosaso ayaa maalgalinta lagu dhisey waxaa bixiyey dowlada Talyaaniga halka dhismihiisa ay fulisay shirkad laga leeyahay dalka China.

Warsidaha Garowe Online kala soco wararka la xiriira xaflada dhagaxdhiga garonnka diyaaradaha Garowe 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM