Garowe: Agaasimayaal la magacaabey, kuwo xilka laga qaadey

Image

October 8, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa agaasimeyaal guud oo cusub usoo magacaabay 11 kamid ah wasaaradaha ay dowladdu ka kooban tahay.

Agaasimeyaasha oo qaar badan oo kamid ahi horay xilal kale dowladda uga hayeen waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Cabdikhadar Muuse Guure.
  2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga qaybta DDR, Cabdirisaaq Xasan Maxamed.
  3. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Kayse Cabdi Cali Shire.
  4. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Yaasiin Cali Yuusuf
  5. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga qaybta ganacsiga, Daahir Maxamed Muuse.
  6. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga qaybta warshadaha, Cabdirisaaq Yuusuf Shire.
  7. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka, Muna Daahir Dalmar.
  8. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Ismaaciil Siciid.
  9. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Maxamed Cali Faarax.
  10. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Cabdirisaaq Maxamed Cali.
  11. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan.
  12. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garoomada iyo Duulista, Rooble Faarax Ciise.
  13. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Ibraahim Xareed Cali

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Madaxweyne Gaas wuxuu xil ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsan hay'adaha ammaanka iyo kuwa sirdoonka Puntland iyo weliba qaar kamid ah garsoorayaashii maxkamadaha gobollada, mas'uuliyiintaas oo qaar xilal kale loosoo magacaabay.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM