Garowe :Barakacayaasha oo xaaladooda laga deyrinayo

Image

GAROWE- Waxaa laga soo dayrinayaa xaaladda barkacaayasha magalada Garowe kadib markii ay booqdeen mas'uuliyiin ka socda dowladda Puntland.

Tirada dadkan oo 300 kor u dhaafaysa ayaa lagu soo waramayaa inaysan haysan taakulo iyo cid si gooni ah ugu taxaluqda wax ka qabashada baahiyahooda.

Gudoomiyaha urur ay samaysteen dhibanayaashan oo lagu magacaabo Shugri Maxamed Ciise ayaa sheegtay inay aad u dhibanyihiin, waxayna dowladda Puntland gaar ahaan madaxweyne Gaas ka codsatay inuu u yimaado oo xaaladooda wax ka qabto.

Nafada kusugan xerada ALLAA Wakiil kuma koobna barakacayaal oo qura, balse waxaa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland sheegtay inay ku jiraan kuwa u dhashay Puntland.

Wasaaradda ayaa ka codsatay bulshada Somaliyeed, beesha caalamka iyo hay'adaha samafalka inay wax ka qabtaan xaaladda dadkaasi gaar ahaa dhanka caafimaadka.

Deegaanada Puntland waxaa kusugan dad Somali ah oo kasoo barakacey dagaaladii sokeeye ee Somalia kuwasoo tiradooda kor u dhaafeyso 300,000 qof waxaana aad u liita xaaladooda caafimaad iyo daryeelka kale ee bulsho. 

Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM