Garowe: dadkii ku waxyeeloobey qaraxa oo Nairobi loo qaadayo

Image

April 20, 2015 (GO)- Garoonka diyaaradaha ee Garowe waxaa goor dhow soo caga dhigtey labo diyaaradood oo la sheegay inay qaadayaan shaqaalaha hay'adda UNICEF ee ku waxyeeloobey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee barqonimadii maanta magaalada Garowe ka dhacay.

Warkan waxaa Garowe Online u xaqiijiyey qaar kamid ah shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe iyagoo xusey in dadka dhaawaca qaba iyo meydadkaba la geyn doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Weerarkii dhacay barqonimadii maanta waxaa ku dhintey lix qof oo afar kamid ahi ajnebi yihiin una kala dhasheen wadammada Kenya, Uganda iyo Afghanistan.

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmey todoba qof oo kale oo afar kamid ahi haysteen dhalashada dalalka Maraykanka, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda.

Mas'uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab, wuxuuna ahaa kii ugu horreeyey noociisa ee magaalo madaxda Puntland ka dhaca.

Dowladda Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa dhammaantood si wadajir ah u cambaareeyey falkan.

Guddi shan xubnood ka kooban ayey Puntland u saartey inay soo baaraan qaabka weerarku u dhacay iyo weliba haddii ay jirto cid fududeysey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM