Garowe: dadkii ku waxyeeloobey qaraxa oo Nairobi loo qaadayo

Image

April 20, 2015 (GO)- Garoonka diyaaradaha ee Garowe waxaa goor dhow soo caga dhigtey labo diyaaradood oo la sheegay inay qaadayaan shaqaalaha hay'adda UNICEF ee ku waxyeeloobey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee barqonimadii maanta magaalada Garowe ka dhacay.

Warkan waxaa Garowe Online u xaqiijiyey qaar kamid ah shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe iyagoo xusey in dadka dhaawaca qaba iyo meydadkaba la geyn doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Weerarkii dhacay barqonimadii maanta waxaa ku dhintey lix qof oo afar kamid ahi ajnebi yihiin una kala dhasheen wadammada Kenya, Uganda iyo Afghanistan.

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmey todoba qof oo kale oo afar kamid ahi haysteen dhalashada dalalka Maraykanka, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda.

Mas'uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab, wuxuuna ahaa kii ugu horreeyey noociisa ee magaalo madaxda Puntland ka dhaca.

Dowladda Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa dhammaantood si wadajir ah u cambaareeyey falkan.

Guddi shan xubnood ka kooban ayey Puntland u saartey inay soo baaraan qaabka weerarku u dhacay iyo weliba haddii ay jirto cid fududeysey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM