Garowe: Golaha Wasiirrada PL oo caawa isugu yimid kulan deg deg ah

Image

July 29, 2015 (GO)- Shir alaabadu u xiran yihiin ayaa xilligan madaxtooyada Garowe uga soconaya Madxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo golihiisa wasiirrada.

Shirkan ayaa yimid kadib markii beesha caalamku Puntland cadaadis ku saartay inay cadeyso sababaha ku kallifay inay ka qayb geli weydo shirka looga hadlayo Higsiga 2016 ee maanta magaalada Muqdisho ka furmay.

Shirkan waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa mowqifka Puntland ee ku aaddan go'aankii shalay goleyaasha baarlammaanka iyo xukuumadda Dowladda Federaalku ku shaaciyeen in doorasho madax bannaan dalka ka dhici karin marka la gaaro sanadka 2016.

War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban ayaa la filayaa in kulanka Golaha Wasiirrada Puntland ee caawa laga soo saaro.

Faah faahin dheeri ah kala soco Garowe Online...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM