Garowe: Golaha Wasiirrada PL oo caawa isugu yimid kulan deg deg ah

Image

July 29, 2015 (GO)- Shir alaabadu u xiran yihiin ayaa xilligan madaxtooyada Garowe uga soconaya Madxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo golihiisa wasiirrada.

Shirkan ayaa yimid kadib markii beesha caalamku Puntland cadaadis ku saartay inay cadeyso sababaha ku kallifay inay ka qayb geli weydo shirka looga hadlayo Higsiga 2016 ee maanta magaalada Muqdisho ka furmay.

Shirkan waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa mowqifka Puntland ee ku aaddan go'aankii shalay goleyaasha baarlammaanka iyo xukuumadda Dowladda Federaalku ku shaaciyeen in doorasho madax bannaan dalka ka dhici karin marka la gaaro sanadka 2016.

War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban ayaa la filayaa in kulanka Golaha Wasiirrada Puntland ee caawa laga soo saaro.

Faah faahin dheeri ah kala soco Garowe Online...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM