Garowe: Guddiga xulista Ergada 6 Kursi oo la soo bandhigay

Image
Guddiga doorashada Puntland ayaa hore u shaaciyay in 2-da bisha Febraayo doorashada kuraastan.

GAROWE, Puntland – Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleedka ee Puntland ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaaladda caasimadda ah ee Garoowe.

Guddiga doorashada Puntland ayaa hore u shaaciyay in 2-da bisha Febraayo 2022 la qaban doono doorashada kuraastan iyada oo loo marayo dhamaan shuruucdii uu u dajiyay gollaha wadatashiga qaran.

Lixda kursi ee ergadooda la shaaciyay ayaa waxaa hore ugu fadhiyay isla markaana tirsigoodu uu kala yahay;

HOP 192, waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay Xil. Saciido Maxamed Xasan

HOP 094, waxaa Dowladda Puntland afartii sano ee la soo BFS, Xil. Axmed Ismaaciil Shabeel

HOP 014, waxaa ku dhisay afartii sano ee la soo dhaafay Xil. Sacdiyo Carees Ciise. HOP 121,Waxaa ku fadhisay Xil. Canab Xasan Cilmi

HOP 174, waxaa ku dhafiyay afartii sano ee la soo dhaafay Xil Burhaan Axmed Cumar. HOP 075, Waxaa ku fadhisay Xil, Ikraan Yuusuf Xirsi

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM