​Garowe: Isimo ka arrinsanaya sicir bararka

Image
Image
Image
Image

GAROWE- Isimo, salaadiin iyo waxgarad ayaa maalintii labaad magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaa uga socda shir looga hadlayo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha amniga iyo sicir bararka muddooyinkii dambe cabashadu ka taagnayd.

Kulanka oo saddex bari soconayaa ayaa diiradda lagu saarayaa qaabkii loo lafa guri lahaa dhibaatooyinka dalka ka jira iyo sababta keentay, iyadoona dhuub dhaqameedku sheegeen inay kasoo saari doonaan war-murtiyeed lagu caddeeyay dhibaatada jirta iyo xalkeeda.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah isimada ka qayb galay kulankaasi, ayaa warbaahinta u sheegay inay ka wada xaajoon doonaa xaaladaha dalka ka jira isagoo sheegay inay muhiimadda siin doonaa waxyaabaha danta u ah shacbiga.

Wuxuu xusay in shirkan isugu yimaadeen salaadiinta Puntland intii is heli kartay, isagoo carrabka ku dhuftay inay soo socdaan kuwo kale oo shirka ka qayb galaya.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciida, ayaa isna xusay in shirkoodu usaan ahayn mid dano gaar ah laga leeyahay ee ay isugu yimaadeen qaabkii ay uga hadli lahaayeen waxyaabaha masaalixda bulshada ah islamarkaana dhibaatada jirta xal loogu heli lahaa.

Boqor Cabdullaahi oo isna kamid ahaa duub dhaqameedka Garowe shirka ku yeeshay ayaa ayiday hadalka isimadaasi, wuxuuna xusay inuusan fadhigoodu salka ku dhibaato, balse ay raadinayaa maslaxadda guud ee dadka.

Shirkan isimadu ku yeesheen magalada Garowe, ayaa kusoo beegmay xilli Burhan Boqor sheegay inuu magalada Qardho ku qaban doono shir isugu imaan doonaan isimada Somaliyeed.

Dhinaca kale wuxuu kusoo aaday xilli 26 bishan magalada Garowe ka furmayo shir looga hadlay dastuurka dalka oo socon doona 10 cisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM