GAROWE: Khudbadihii Jimcaha oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

Image

Garowe, (GO)- Masaajidada magaalada Garowe ayaa khudbadii jimcaha looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Puntland kuna saabsan doorashooyinka baarlamaanka,   madaxweynaha iyo hanaanka dimuquraadiyada lagu muran san yahay ee Puntland. 

Khudbadaha laga akhriyey Masaajidada ayaa laga digay In dantii guud loogu qariyo dan gaar ah, waxayna Culumadu ku baaqeen in lagu dadaalo amniga, wanaagga iyo barwaaqada shacabka. 

Khudbad laga jeediyey Masaajidka Xaaji Cali ee ku yaala Magaalada Garowe ayaa looga hadlay ahmiyada ay leedahay in madaxadu ka shaqeyaan danta guud, iyo in laga taliyo Maslaxadda shacabka.

Sheikh Maxamuud Xaaji Yusuf ayaa yiri: “Xilka saaran dadka madaxda ah waa in ay dadka diintoodii ay u ilaaliyaan iyo in dadka aduunkoodii lagu maamulo sida ugu haboon.”

Mar uu ka hadlay shaqaaqadii  ka dhacdey caasimada Garowe, Sheikh Maxamuud Xaaji ayaa ku sheegay in maanta laga qaxo magaaalada sabab u tahay caqli xumo, diin xumo, iyo siyaasad xumo.

Baaqan ka imaanaya cullimada diinta, Issimada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ayaa waxaa dhagaha ka xirtey Madaxweynaha muddo xileedkiisu Shanta bilood ka harey oo damacsan inuu dastuurka Puntland firitaankiisa u maro muddo kororsi sharci daro ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM