GAROWE: Koob dhalinyarada Cuslaatay uga Furmay Classic

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Koob loogu talo galay in dhalinyarada Cuslaatay ee ku sugan magaalada Garowe ku madadaashaan salaadda Taraawiixda kadib ayaa xalay ka furmay magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Tartankan oo sannadkasta uu qabto maamulka garoonka Roogga la dhigay ee Classic ayaa waxaa kalkan ku loollami doona 15 kooxood oo isugu jira dhalinyarada ku dhaqan caasumadda.

Furitaankii koobkan oo ay ka qayb galeen Wasiirro, maamullka garoonka iyo dadweyne kala duwan ayaa ujeedkiisa waxaa lagu sheegay inuu kor u qaado niyadda dhalinyarada iyo hormarka ka socda caasumadda.

Mulkiilaha garoonka Classic Axmed Jaamac Jawle oo ugu horayn ka hadlayay furitaanka kooban iyo ujeedka loo qabto ayaa sheegay inay uga golleeyihiin sidii dhalinyaradu u dhismi lahaayeen jir ahaan iyo caafimaad ah, isagoo xusay inay ku aadiyeen xilliga cibaada kadib taasoo macnaheedu tahay inaan dhalinyarada laga mashquulin inay ALLE caabudaan.

Labo kooxood oo kala matalayay hay’adda Tadamun iyo Nabaad Mall ayaa tartankan lagu daah furay, waxaana dhalinyaradaas kooxahaas ku jira ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin islamarkaana tallaabadan muujinayso hormarka caasumadda ka jira.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland, Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indho-guran oo tartanka  Daah furay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada uu sameeyay mulkiilaha Classic Axmed Jamac Jowle, isagoo ku ammaanay inuu yahay shakhsi hormar laxaad leh ka qaatay hormarinta cayaaraha Puntland.

Koobankan oo sannadkii labaad la qabanayo ayaa waxaa usoo daawasho taga dadweynaha ku dhaqan magaalada, wuxuuna socdaa bisha Ramadaan iyadoo gaba gaba loollankaas la qabto Soonka kadib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM