Garowe: maxkamadda Nugaal oo dambi ku weydey Radio Sahan

Image

August 17, 2015 (GO)- Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa wax dembi ah ku weydey Radio Sahan oo ah idaacad maxalli ah oo ku taal magaalada Garowe.

Dowladda ayaa August 12, 2015 kusoo eedeysey Radio Sahan  warbixin ay ka qoreen sababaha keenay in uu baaqdo dabbaal degggii xuska Kowda Agoosto ee lagu qaban jirey Barxadda Garowe.

Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey Radio Sahan ayaa kala ahaa sidan:

  •  In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato 
  • In madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan 
  • In kharash badan lagu soo kireeyey fanaaniin ka qayb gala xuska munaasabada 1 August.
  • In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland. 

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in Radio Sahan wax dembi ah lagu waayey, eedeymaha loo soo jeediyeyna ahaayeen kuwo aan lagu tilmaami karin fal-dambiyeed.

Ururuka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa soo dhoweeyey go'aanka maxkamadda, iyagoo ku tilmaamay tallaabo sharci ah oo loo qaadey dhanka wanaagsan.

Waa markii ugu horreysey taariikhda Puntland ee dowladdu maxkamad la tiigsato warbaahin madax bannaan, arrintaas oo dadku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM