Garowe oo laga diiday diiwaan-gelin lagu muran-san yahay

Image
Xukuumada Deni iyo guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka ayaa lagu eedeeyay qardo-jeexida dimuqraadiyada.

GAROWE, Puntland - Kulan ay Garowe isugu yimaadeen dhalinyarada iyo waxgaradka ayaa lagu taageeray dalab ay dhawaan odayaasha iyo nabadoonada gobalka Nugaal ay u gudbiyeen guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland.

Nabadoonada gobalka Nugaal ayaa codsadey in dib loo dhigo diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee ay TPEC shaacisay in ay todobada bishan ay Garowe ka bilaabayso.

Waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa afka ku balaariyay heerka ay gaarsiisan tahay abaarta baah-san ee gobalka ka jirta iyaga oo soo jeediyay in dowladda iyo bulshaduba u gurmadaan xoolo dhaqatada gobalka.

"Dowladda waxaanu leenahay dhalinyaro yar-yar oo la isu keeno yaysan been idin sheegin warka dhaqanka ayaa umada ku kala socotaa ayaan u sheegaynaa madaxweynaha," ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii madasha khudbadaha kasoo jeediyay.

"Deni waxaanu leenahay diiwaan-gelintaan way hubeysan tahay ee hubkaagana kusoo daba wado," ayuu yiri nabadoonadii kulanka ka hadlay mid kamid ah.

Xukuumada iyo guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka ayaa lagu dhaliilay in ay kaamamka barakacayaasha tageen iyaga "waxay ku leeyihiin barakacayaashii cidii is diiwaan-gelisa kaarar baa la siinayaa".

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay masuuliyiin uu sheegay in ay ku dhaw yihiin xukuumada Deni ku lug lahaan-shiyaha tacadiyo barakacayaasha loo geystay oo ka dhashay raridooda si looga diiwaan-geliyo degaano aysan dad badan joogin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM