Garowe oo lagu daah-furay xeerka Da’yarta Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa manta May 10, 2017  caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad  lagu daah furayay xeerka Da’yarta Puntland.

Waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaalada Puntland iyadoo ay kasoo qayb galeen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi, mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, xubno ka socday beesha caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah .

Mas’uuliyiinta wasaaradda Cadaaladda Puntland oo ugu horeeyo wasiir Saalax Xabiib iyo Agaasime Maxamed Cali Faarax, ayaa sharaxay muhiimadda Xeerkan iyagoo tilmaamay inuu faa’iido ugu jirto danyarta iyo sidii ay cadaalad u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caddaaladda Puntland dadaalka ay ku bixisay hirgelinta xeerkan, wuxuuna kula dardaarmay in markasta la hubiyo socodsiinta iyo ku dhaqanka xeerkan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa caddeeyey in dhammaan hay'adaha Dawladdu ay garab taagan yihiin Wasaaradda Caddaaladda Puntland isla markaana masuuliyad goonni ah ay iska saari doonaan dhaqan gelinta xeerkan, maadaama uu waxtar u leeyahay Da'yarta Puntland.

Xeerkan ayaa waxaa horay usoo ansixiyay golaha Barlamanka Puntland, wuxuuna noqon doonaa mid lagu dhaqo dhammaan Da’yarta Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM