Garowe oo lagu daah-furay xeerka Da’yarta Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa manta May 10, 2017  caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad  lagu daah furayay xeerka Da’yarta Puntland.

Waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaalada Puntland iyadoo ay kasoo qayb galeen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi, mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, xubno ka socday beesha caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah .

Mas’uuliyiinta wasaaradda Cadaaladda Puntland oo ugu horeeyo wasiir Saalax Xabiib iyo Agaasime Maxamed Cali Faarax, ayaa sharaxay muhiimadda Xeerkan iyagoo tilmaamay inuu faa’iido ugu jirto danyarta iyo sidii ay cadaalad u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caddaaladda Puntland dadaalka ay ku bixisay hirgelinta xeerkan, wuxuuna kula dardaarmay in markasta la hubiyo socodsiinta iyo ku dhaqanka xeerkan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa caddeeyey in dhammaan hay'adaha Dawladdu ay garab taagan yihiin Wasaaradda Caddaaladda Puntland isla markaana masuuliyad goonni ah ay iska saari doonaan dhaqan gelinta xeerkan, maadaama uu waxtar u leeyahay Da'yarta Puntland.

Xeerkan ayaa waxaa horay usoo ansixiyay golaha Barlamanka Puntland, wuxuuna noqon doonaa mid lagu dhaqo dhammaan Da’yarta Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM