Garowe oo lagu mataaneeyay magaalo ku taal Turkiga

Image

November 6, 2014 (GO)-Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa lagu mataaneeyay magaalo la yiraahdo Gebse oo ku taala wadanka Turkiga.

Maayarka Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay howshaan inay soo bilaabatay 25-ka bishii 6-aad 2012 wixii intaasi ka danbeeyayna ay wadeen dadaaladdii lagu dhaqaajin lahaa wada shaqaynta labada dhinac.

Koor ayaa tilmaamay inay ahmiyad ballaaran ugu jirto isku xirka labadaasi magaalo ayna wax weyn ka faa'iido doonaan oo ku aadan waayo aragnimadda, dhaqanka, iyo kor u qaadista bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Caasumadda.

Waxa uu ka dhawaajiyay dhowaan inay qorshaynayaan inay safar ku aadan wadanka Turkiga kaasoo salka ku hayo sidii loo bilaabi lahaa wada shaqeynta.

Docda kale Cabdi Nuur ayaa soo dhaweeyay mataaneynta Bosaso iyo Minnepolis wuxuna ku tilmaamay inay tahay hormar iyo faa'iidooyin usoo hoyday Puntland.

Barnaamijka Rayiga Dadweynaha ee Radio Garowe oo maalinkii shalay qodobkan lagu soo qaatay ayaa dadkii ka qayb galay waxay soo dhaweeyeen in magaalooyinka Puntland lagu mataaneeyo magaalooyinka caalamiga ah ee wax laga faa'iidayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM