Garowe oo martigelinaysa shir u dhaxeeya dowlada iyo maamulada

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in 2-da bisha soo socota ee May sanadkaan 2019 uu magaalada caasimada ah ee Garowe ka qabsoomayo shir balaaran oo u dhaxeeya madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda.

Kulankaasi oo maalmo socon doona lana filayo in lasoo gabagabeeyo kahor bisha Ramadaan ayuu qorshuhu yahay in lagu dejiyo hab cusub oo ay kuwada shaqeyn doonan xukuumada iyo dowlad goboleedyadda mudada labada sano ah ee uga harsan dowlada hadda jirta.

Mr Deni ayaa hoosta ka xariiqay in isu-imaatinkaan oo ah mid wadatashi ah diirada lagu saari doono; amniga, siyaasadda, dib u eegista dastuurka iyo doorashada dalka ka qabsoomeysa sanadka 2020-ka.

"Maadaama qaabka dalka loo hogaaminayo lagu kala aragti duwan yahay, shirkaasi waxa uu noqon doonaa mid si dhab ah loogu wadahadalo, oo lagu jaan-gooyo qaabka loo wadashaqeyno iyo magaca uu qaadanayo habkaasi lagu wadashaqeyno oo uusan noqon kii hore ee Golaha Amniga Qaranka," ayuu Deni yiri isaga oo Habeenimadii Sabtida war-fidiyeenka ugu waramay Garowe.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo ku daray in sidoo kale laga wadada doono cida qaadaneysa doorka hogaamineed iyo ka qaybgalayaasha ayaa xusay in isla soo qaadi doono qodobada ahmiyada koowaad la siinayo mudada xukuumada haatan jirta uga dhiman oo sanad iyo bar ah.

"Annaga [maamulada] waxaan u aragaa [qodobada hortabin leh] oo ay tahay in si dhab ah loogu wadahadalo; dib u eegida dastuurka oo wado khaldan loo wado iyo mudada uu dalku gaarayo doorasho qof iyo cod ah, madax haysata sharciyad, dadka Soomaaliyeed oo dhan oo la ilaaliyo habka wax qaybsiga, wadaagista kheyraadka iyo garsoorka," ayuu hadalkiisu raaciyay.

Hogaamiyaha maamulka hormuudka u ah federaalka Soomaaliya oo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaasi ay kasoo baxaan qodobo miro dhal ah ayaa carabka ku adkeeyay isku taxluujin doonaan sidii ay heshiis uga wada gaari lahaayeen siyaasadda.

"Waxaa la isla qirtay in baahida ugu wayn ee madaxda Soomaaliyeed ka dhaxeyso in ay tahay ka shaqeynta arrimaha siyaasada, hadii aan waxba laga qaban dhinaca siyaasadda way adkaaneysaa in loo gudbo sharciga iyo arrimaha dastuurka, marka siyaasada wax laga qabto ayaa la dhameystiri karaa dastuurka iyo sharciga, markaasi ayayna imaaneysaa in la dhaqan-geliyo, waan rajeynayaa in shirkaasi noqdo mid miro dhal ah, waa shir Soomaali oo dhan sugeyso, waa shir caalamku sugayo, annaga hadii aan nahay hadii aan reer Puntland nahay in aan Soomaali darteeda u tanaasulno, waa hadii la isla ogol-yahay, waxaan kaloo diyaar unahay in aan doodeena si sharci ah, si san oo furan u soo gudbino," ayuu ku daray.

- Khilaafka Galmudug –

Dowlad goboleedka Galmudug oo daris la ah Puntland ayaa wajahaya kala qayb-sanaan siyaasadeed iyo mid sharci xili hogaanka maamulkaasi oo laba garab ah ay haatan ku kala shaqeeyaan magaalooyinka Dhuusamareeb, caasimada maamulka iyo Cadaado, xarunta baarlamaanka.

Madaxwayne Deni oo ku nuux-nuux saday in maamulkiisa uu xil gaar ah isla saarayo sidii loo dhameyn lahaa arrimahaan ka taagan Galmudug ayaa daboolka ka qaaday in uu qayb ka yahay qodobada lagu jeex-jeexi doono shirka ay isku balansan yihiin hogaamiyeyaasha Soomaaliya.

"Galmudug waxaan arkay markii aan wareystay dhinacyo kala duwan … dowladda federaalka cabasho badan ayay ka qabaan … hadii aan nahay Puntland waan ku garab taagan nahay wax kasta oo karaankooda … waxaana ugu baaqaynaa xoogaga siyaasadeed ee Galmudug in ay miiska wadahadalka ku dhameeyaan khilaaf kasta oo dhinaca sharciga ah … dowlada iyo caalamkana waxaan ka codsaneynaa in ay taageeraan gogoshaasi," ayuu xusay.

Deni oo si gaar ah u dul-istaagay doorashada kusoo food leh Jubbaland ayaa kalsooni fiican ka muujiyay in dadka ku dhaqan maamulkaasi ku dooran doonan hogaamiyaha xiga qaab xor iyo xalaal ah "maadaama nidaamkoodu yahay mid degan oo uusan dood badan ka taagneen".

Geesta kale, madaxwayne Deni ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe in ay baalmartay hanaanka awood qaybsiga Soomaaliya iyo in deeqaha caalamka laga helo aanan loo qaybin qaab sax ah, lana sameeyo gacan-bidaxeyn uu ka digay cawaaqib xumo ka dhalata.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Deni ayaa sheegay in safarkii uu ku tegay wadanka Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Kenya uu ahaa mid guul kusoo dhamaday, isla markaana dhinacyada uu la kulmay ay muujiyaan sida ay uga go'an tahay in ay Puntland ka taageeraan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay.

"Beesha Caalamka indhaheeda wuxuu kusoo jeedaa Puntland, safiiro badan ayaa kusoo foodleh, waxaan rajeynayaa in aan ka faa'ideysan doono arrintaasi, oo aan xalin doono eeda aan leenahay oo ah dhanka amniga oo xukuumada ay ahmiyada koowaad siineyso," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM