Garowe: qaar kamid ah shaqaalaha rayidka PL oo dibadbax dhigay

Image
Image
Image

December 24, 2014 (GO)- Qaar kamid ah shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ka dhigay diba-bax ay kaga cabanayaan mushahar la'aan iyo imitixaan dowladu sheegtay in laga qaadi doono shaqaalaha dowladda.

Dibadbaxayaasha oo watey boorar ereyo dareenkooda ka cabirayaa ku qoran yihiin ayaa isugu soo ururay fagaaraha Barxadda, halkaasoo markii dambe ay warbaahinta kula hadleen.

Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada Qorsheynta Caduur Aadan Caduur oo ku hadlayey afka shaqaalaha ayaa sheegay in dowladu wado qorshe la doonayo in shaqada looga fariisiyo qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo muddo dheer soo shaqeynayey iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo imtixaan lagu hubinayo tayada iyo aqoonta shaqaalaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caduur ayaa dhanka kale sheegay in shaqaalaha dowladu dulman yihiin islamarkaana xuquuqdooda la siin isagoo ugu baaqay Madaxweyne Gaas inuu il gaar ah ku fiiriyo cabashada shaqaalaha.

Dibadbaxan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah wuxuu kusoo aadayaa xilli in badan oo kamid ah shaqaalaha dowladu muddo bilo ah wax mashaharaad ah qaadan.

Shaqaalaha hay'adaha garsoorka ayaa maalintii sideedaad shaqo joojin ku jira waxayna sheegeen inaysan shaqada soo geli doonin ilaa iyo inta xuquuqda ka maqan laga siinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM