GAROWE: Qof ka baxay ururka Takfiir oo lasoo bandhigay

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe gaar ahaan xarunta gobolka Nugal lagusoo bandhigay xubin kamid ah ururka Somalidu u taqaanoTakfiir, kaasoo muddo ku jiray gacanta laamaha amniga.

Ninka lasoo bandhigay oo lagu magacaabo Cabdirasaaq Cabdiraxmaan Kulan, ayaa warbaahinta u sheegay in fikirkaasi oo aaminsanaa muddo uu ku qiyaasay 6 sano,balse uu ka laabtay sababo ay kamid tahay cabsi galin iyo inuu u arkay Mabda’a kooxdaas oo ah mid khaldan, sida uu hadalka u yiri.

“Waxaan halkaan ku cadaynayaa inaan kamid ahaan jiray ururka lagu sheegay Takfiir, oo aan hadda bari ka ahay, waxaana cadaynayaa inaan ka laabtay go’aankaas,” Ayuu yiri Kulan.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray mar la weydiiyay sababta uu mabda’iisa uga noqday, “Dowaladduna waa i cabsi galisay, waxaana u arkay inuu yahay fikir Khaldan.”

Waxaa sidoo kale jira xubno kale oo kamid ah ururka Al Saaciduuna Bil Xaq ee fadhigiisu yahay Masar oo la sheegay inay kasoo laabteen go’aankoodii hore kuwaasoo sida maamulka gobolka Nugal sheegay shaacin doona salaadda Duhur kadib.

Tallaabadan ayaa timid markii maamulka Puntland uu sheegay inuu la dagaallami doono dhammaan cid kasta oo katirsan kooxdaas iyadoo ka mamnuucday deegaanadeeda, waxayna sheegeen inay u arkaan koox khatar ku ah caqiiqada Islaamka.

Waa markii ugu horaysay qof kamid ah kooxdaas uu sheegay inuu ka baxay Takfiir kaasoo hada lala xiriiriyo inuu u xuub-siibtay Al Saaciduuna Bil Xaq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM