Garowe: Sababta loo fujiyey boorarka RW Rooble?

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Sida laga arkey baraha bulshada dowlada hoose ee magaalada Garowe ayaa amar ku siisey Booliiska in la fujiyo boorar loo dhajiyey Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online oo isku dayey inuu sababta ogaado ayaa saraakiil ka tirsan dowlada hoose ee Garowe waxay u sheegeen in xafiiska maamuska "Protocol" RW Rooble uusan marin wadadii saxda aheyd islamarkaana aysan ku wargalin dowlada hpose iney damacsan yihiin dhajinta boorarkaan.

"Xafiiska Protocol RW ayaa isaga oo aan soo ogeysiin dowlada hoose ee Garowe ayaa tagey goobaha madbacadaha kadib dad u xilsaartey in laga taago boorarkaan qaybo kamid ah magaalada." Sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan dowlada hoose ee Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in arinkaas la xaliyey kadib markii xubno ka socdey Xafiiska RW qirey iney khalad aheyd talaabadaan.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadal ay wada-yeesheen xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Xafiiska RW la saxay qaladkii dhacey Lana fasaxey in dib loo dhajiyo boorarkii.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM