Garowe: Tababarka Marwo Caafimaad oo lasoo gabagabeeyay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Tababar caafimaad oo muddo tobban cisho ah uga codsaday Garowe, caasimadda Puntland, haween ka kala yimid goboladda Nugaal iyo Sool, ayaa Arbacada maanta ah lasoo afmeeray.

Mutadhawaciinta "Marwo Caafimaad" oo loo tababarayo degaanadda ay dhakhaatiirtu gaari karin ayaa la baray qaabka ay isugu xirayaan bulshadda qeybaheeda kala duwan iyo dhakhaatiirta.

Ka qeybgaleyaasha ayaa la siiyey aqoon ku saabsan sidda loola tacaalo Shuban biyoodka, hooyadda umusha ee dhiig-baxeysa, xanuunada dhimirka sida; waalida, iyo daaweynta caruurta.

Intii ay ku guda jireen qaadashadda casharadda, waxaa lagu buraarujiyey in ay ku wacyi geliyaan bulshadda in aan la takoorin dadka qaba cudurada.

Qaar kamid ah haweenka qaatay tababarkan oo la hadlay Garowe Online ayaa shaaciyey in marka ay dib ugu laabtaan tuulooyinkooda ay dadweynaha uga faa'iideyn doonan wixii ay barteen.

Maxamed Jaamac Xirsi, isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Nugaal, ayaa u mahadceliyey dhamaan hay'addaha kala duwan ee ka qeyb-qaatay fulinta tababarkan.

Tababarka Marwo Caafimaad oo xoojinaya qorshaha xukuumadda ee daryeelka bulshadda iyo gaarsiinta adeega dowladeed ayaa laga fuliyey goboladda kala duwan ee hoos-yimaadda dowladda Puntland.

MUUQAALKA TABABARKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM