Garowe: taliyihii saldhigga bari oo geeriyoodey, askari loo qabtay dilkiisa

Image

July 28, 2015 (GO)- Taliyihii saldhigga booliska dhanka bari ee degmada Garowe Siciid Bakistaan Bulshaale ayaa saaka u geeriyoodey dhaawac culus oo soo gaarey habeennimdii Axadda ee taariikhdu ku beegnayd July 26, 2015.

AHN Taliye Bakistaan oo isla saaka Garowe lagu aasay, wuxuu dhaawcmay kadib markii ciidamada boolisku isku dayeen inay kala dhex galaan qaar kamid ah dumarka qaadka iibiya oo dagaallamay.

Markii boolisku gaareen goobta si ay xaaladda u dejiyaan, ayaa waxaa rasaas ku furay askar la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidanka madaxtooyada oo halkaas ku qayilayey, kuwaasoo kasoo hor jeestey in boolisku qabqabtaan haweenka dagaallamay.

Dhaawac culus ayaa saableyda kasoo gaarey taliyaha, waxana lagu dabiibayey isbitaalka guud ee Garowe, halkaasoo goor hore oo saaka ahayd uu ku geeriyoodey.

Goobta shaqaaqadu ka dhacday oo ku taal Jidka Meeraysane, waxay masaafo aan badneyn u jirtaa Xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe, waxaana ku yaal suuq qaadka lagu gado. 


Askari ka tirsan ilaalada Madaxweyne Gaas oo loo soo qabtey dilka Taliye Bakistaan

Qoyska taliyha geeriyoodey ka dhashay ayaa markii hore diday inay aasaan ilaa la keeno ninkii diley, balse mar dambe ayaa la aasay kadib markii  dowladdu soo wareejisey eedaysanaha, waxaana si toos ah loogu gudbiyey xabsiga dhexe ee Garowe.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay, in eedaysanaha oo lagu magacaabo Saleebaan uu ka tirsan yahay unugta gudaha madaxtooyada ee ilaalada khaaska u ah Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Garowe Online ayaa sidoo kale ogaatey in ninka ku eedeysan dilka Taliye Siciid Bakistaan horay uga tirsanaan jirey kooxihii burcad-badeedka, kuna soo biiray ilaalada mudane Gaas xilligii uu murashaxa ahaa.

Fowdada iyo nidaam darrada ciidamadu sameynayaan, ayaa halis ku ah sumcadda magaalo madaxda Puntland ee Garowe maadaama ay safka hore kaga jirto magaalooyinka ugu xasilloon guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM