Garowe: tirada xildhibaannada mooshinka keenay oo korortey

Image

May 16, 2015 (GO)- Xildhibaanno cusub ayaa kusoo biirey kuwii dhowaan qoraalka usoo gudbiyey Guddoonka Baarlammaanka Puntland ee dalbanayey kal-fadhiga deg dega ah, labo maalmood kaddib markii guddiga joogtada ah ee baarlammaanku dalabkaas ku gacan sayrey.

Garowe Online ayaa xog hoose ku heshay in xildhibaannada mooshinka keenay 11 xildhibaan oo hor lihi kusoo biireen, waxayna taasi wadartooda guud xilligan ka dhigeysaa 26 xildhibaan.

Xildhibaannada qoraalka soo gudbiyey oo markii hore tiradoodu ahayd 21 xildhibaan waxay asbuucii lasoo dhaafay noqdeen 15  xildhibaan oo keliya kaddib markii lix kamid ahi tanaasuleen.

Mudaneyaasha dalbanaya kal-fadhiga deg deg ah oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdicasiis Gacamey, waxay ku adkeysanayaan inaysan ka tanaasuli doonin go'aanka ay qaateen iyagoo sidoo kale sheegay inay jirto faro-gelin dhanka xukuumadda uga imaanysa.

Marka  la eego xeer hoosaadka Baarlammaanka Puntland, waxaa kal-fadhi deg deg ah dalban kara 17 xildhibaan, kalfadhigu haddii uu qabsoomo waxaa uu ku furmi karaa 44 xildhibaan, balse xildhibaanku kuma khasbana inuu xaadiro kal-fadhiga aan caadiga ahayn.

Sidoo kale,  waxaa mooshin keeni kara lix ‎xildhibaan waxaana laga doodi karaa marka ay 22 xildhibaan aqbalaan, kooramkuna waxaa uu ku buuxsami karaa 44 xildhibaan.

Wixii kasoo kordha wararka la xiriira arrintan kala soco Garowe Online...

Qoraal mooshin

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM