Garowe: wadahadalka D. Federaalka iyo PL oo maanta furmaya

Image

October 11, 2014 (GO)- Wadahadalo bilow ah ayaa maanta magaalo madaxda Puntland ee Garowe uga furmaya Puntland iyo Dowlada Federaalka Somalia.

Arimaha muranka dhaliyey ee laga wada hadli doono waxaa kamid ah: dastuurka qabyada ah ee lagu dhaqayo federaalka oo Puntland horay u shaacisay in wax ka bedel lagu sameeyey, dhismaha maamulka gobolada dhexe oo isagana Puntland sheegtay inuu xadgudub ku yahay jiritaankeeda iyo maareynta dhaqaalaha ay Somali ka hesho caalamka oo Puntland ku doodeyso in Muqdisho oo qura lagu koobay.

Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa labadooduba rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalada.

Waa markii uu horeysey oo wadahadal toos ahi u furmo labada dhinac laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay, markaasoo Puntland xiriirka u jartay Dowlada Federaalka.

Faah faahin ku saabsan shirka maanta Dowlada Federaalka iyo Puntland Garowe uga furmaya wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM