Garowe: saxiixa heshiiska PL iyo DFS oo la'isu diyaarinayo

Image

October 14, 2014 (GO)- Heshiis laga gaarey wada- xaajoodkii Dowlada Federaalka iyo Puntland saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey uga soconayey magaalada Garowe ayaa la filayaa in maanta la saxiixo, kadib markii laysku afgartay dhawr qodob oo shalay ergooyinka labada dhinac kala metelayaa isku mari waayeen.

Qodobada heshiiska laga gaaray ayaa kala ah: qaabka shahaadada dugsiyada sare noqonayso iyo waxa lagu qorayo; qaabka loo qaybsanayo khayraadka dalka iyo deeqaha ka yimaada caalamka iyo weliba kaalinta Puntland ku yeelanayso wada-xaajoodka u socda Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulk Somaliland.

Guddi-hoosaad xal ka gaarista qodobada laysku mari waayey loo saaray oo labada dhinac ka kala socdey islamarkaana qayb ka ahaayeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa goor dambe oo xalay ah ku guuleystey inay qodobadaas si wanaagsan oo labada dhinacba ku qanceen isula meel dhigaan.

Heshiiska ayaa la filayaa in maanta Garowe lagu saxiixo, waxaana goob joog ka noqon doona mas'uuliyiin ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Heshiiskan hordhaca ah waxaa la filayaa inuu soo afjaro khilaaf mudo soo jiitameyey oo bilihii u dambeeyey ka dhex aloosnaa Dowlada Federaalka Somalia iyo Puntland, khilaafkaasoo sii xoogeystey markii la bilaabay qorshaha maamulka loogu samaynayo Mudug iyo Galmudug.

War-murtiyeedka kasoo baxa shirka, qodobada uu heshiisku ka kooban yahay, sawirada iyo faah faahin kaloo dheeri ah wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM