Garsoorka Puntland Oo imtixaan adag la hordhigay

Image
Dadweynaha ayaa indhaha ku haya sida Maxkamadu u maarayso Dacwadaan.

GAROWE, Puntland - Siyaasiyiin gaaraya 30 ayaa maanta u gudbiyay Maxkamada sare ee Puntland dacwad ka dhan ah furista Dastuurka iyo wax ka badalkiisa iyaga oo sheegay in ay kasoo horjeedo Dastuurka iyo Shuruucda kale ee Puntland u yaala.

Jaamac Faarax Xasan, wasiirkii hore ee Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo warbaahinta kula hadlay Maxkamada afaafkeeda hore ayaa sheegay in hogaanka madaxweyne, Siciid Cabdulaahi Deni uu dalka gelinaayo Barakac iyo qax isla markaana uu ku dhibaataynayo dadkii uu hogaanka u ahaa.

Wasiirkii hore ee Deegaanka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo ay warbaahintu waydiisay kalsoonida ay ku qabaan Garsoorka ay dacwadda u gudbiyeen, ayaa afka ku balaariyay in ay Kalsooni badan ku qabaan Garsoorka isla markaana ay ka war sugayaan in lasoo mudeeyo Dhagaysiga Dacwadooda.

Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland ayaa horey loogu gudbiyay Dacwad ay keeneen 8 xildhibaan oo horey looga qaaday Xasaanadda xubinnimadooda golaha Wakiilada ee Puntland kuwaasi oo Gudoomiyaha golaha Abwaan, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu ku tilmaamay in looga saaray siffo aan Sharci ahayn.

Dadweynaha ayaa indhaha ku haya sida Maxkamadu u maarayso Dacwadaan maadaama tii hore ee mudanayaashu gudbiyeen aan war danbe laga maqlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM