Gen. Jimcaale oo jawaab ka bixiyay baaqii nabadeed ee Odeyaasha Dhaqanka

Image

GAROWE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Danab ee Puntland Jaamac Takar ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland, isaga oo u jawaabay baaqyo nabadeed oo ay odeyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ka jeediyeen magaalada Garowe.

General Jimcaale ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu difaaco Puntland sida uu waligiis ballan qaaday, isagoo carabka ku dhuftay in uu isagu matalo mucaaradka, mucaaradkuna ay isaga matalaan.

"Waan soo dhaweynaynaa baaqyada nabadeed, waxaana ku dhawaaqayaa in aano aqbalnay, isla markaana ma doonayno in Puntland la dumiyo, waana ilaalinaynaa oo aan badbaadinaynaa." ayuu ku daray.

General-ka ayaa carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono sidii ay ku dhici laheyd doorasho ْXur & Xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, kana fog damac shaqsiyadeed.

General Jimcaale ayaa ka mid ah taliyeyaasha Milateriga ee saameynta ku leh Puntland, waxa uuna diidan yahay in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dhawaan xilka ka sii dagaya ee Siciid Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM