Cabdi Qaybdiid oo dagaal ku baaqay

Image

Jimce, September 2014 (GO)- Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan diyaaradii danbe ee kasoo degata garoonka Cabdilaahi Yuusuf.

Hadalkan ayuu u jeediyay dadwayne maanta kusoo dhaweeyay magalada Gaalkacyo, wuxuna sheegay inay shalay amreen inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo balse maanta ay diyaarad qaad kasoo degatay.

Dhawaaqa Cawaale ayaa kusoo aadaya kadib markii ay shir xasaasi ah maanta ku yeesheen aqalka madaxtooyada madaxwaynaha, wasiiradiisa iyo saraakiisha ammaanku, kulankaas oo looga arrinsaday xaalada gobolka Mudug iyo hanjabaada kasoo yeeraysa Galmudug, qoraal kasoo baxay shirkaasi ayaa lagu sheegay inaysan waxba ka jiran hadal uu maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyay Cabdi Qaybdiid.

Marka laga tago hadalka Qaybdiid waxaa Gaalkacayo laga dareemayaa xiisad colaadeed maadama Galmudug ay sheegtay inay weerari doono garoonka Cabdilaahi Yuusuf haddii ay diyaarad kasoo degto halka Puntland-na sheegtay inaysan jirin cid hor istaagi karta garoonkeeda.

Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inay caawa ciidamo ka baxeen magaalada Garowe kuwaasoo xoojinaya ciidamo kale oo heegaan la galiyay.

Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasirka Duulista Hawada ayaa gaaray galinkii danbe ee maanta Gaalkacyo, waxayna kulamo gaar gaar ah la leeyihiin mamulka gobolka Mudug, kan degmada iyo Odayaasha dhaqanka.

Ma jirto xal laga gaaray ilaa iyo hadda xiisada laga dareemayo magaalada, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaal dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM